Wararka

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland oo garay Badhan.

Badhan (tusmotv.so) – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawlad goboleedka Puntland Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril iyo wefti uu hogaaminayo oo saaka kasoo kicitimay caasumadda Puntland ee Garoowe ayaa maanta lagu soo dhaweeyey magaalada Badhan ee xarunta Gobolka Sanaag.

Weftiga Guddoomiyaha oo imaanshahooda magaalada Badhan uu la xiriiro u kuurgalka xaaladaha guud ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa soo dhaweeyey Maamulka Gobolka, kan Degmada, Saraakiil iyo qaybaha bulshada.

Weftiga Gudoomiyha ayaa waxaana kamid ah Wasiirka Maaliyadda ahna Guddoomiyaha guddiga dib u habeynta ciidamada DPL Xassan Shire Abgaal,Wasiirka Amniga Cabdisamad Maxamed Galan, Taliyeyaasha Ciidamada Daraawiishta iyo Booliska Dawladda Puntland, iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilladda.

Guddoomiyaha iyo weftigiisa oo ku hakaday degmada Carmo ee gobolka Bari ayaa Cisbitaalka magaaladasi ku booqday dhaawacyada Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Gobolka Sanaag oo maanta gaari uu kula rogmaday wadada u dhaxeysa Badhan iyo Ceeldaahir kuwaas oo cisbitaalka la dhigay.Image may contain: car, sky and outdoorImage may contain: 4 people, people standing, sunglasses, sky and outdoorImage may contain: 2 people, people standing, people dancing, sky and outdoorImage may contain: 2 people, people standing, people dancing, sky and outdoorImage may contain: 7 people, people standing, sky and outdoorImage may contain: sky, outdoor and nature

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close