Wararka

Ra’iisul Wasaaraha dalka oo booqday ciidamo loo diyaarinaayo howlgallo cusub.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Xasan Cali Khayre oo xerada tababarka Gen. Gordan iyo Kulyadda Jaalla Siyaad ku booqday ciidamo ka tirsan xoogga dalka Kuwaas oo loo diyaarinaayo in ay ka qayb qaataan amniga dalka  ayaa sheegay in dowladdu dardar gelineyso tayeynta, qalabeynta iyo dib-u-habeynta ciidamada qalabka sida.

Ciidamada, macallimiinta iyo saraakiisha hoggaamisa ayuu Ra’iisul Wasaaruhu uga mahad-celiyay talaabooyinkooda ku aadan ka qayb qaadashada nabad soo celinta dalka uuna kula dardaarmay in ay dowr firfircnoon ka qaataan howl-gallada shacabka Soomaaliyeed dib loogu soo celinaayo rajadii ay ka qabeen dowlad awood leh oo difaacato dalkeeda.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ciidanka ugu tegay ku dhiiri-gelinta shaqada ay qaranka u hayaan, in uu ogaado baahida qalab ee ay qabaan iyo in uu la dardaarmo, ayaa ciidamada u caddeeyay in dowladdu muhiimadda koowaad siineyso bixinta iyo hagaajinta xuquuqda ciidanku ay ku leeyihiin qaranka Soomaaliyeed.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close