Wararka

Soomaaliya oo Cambaaraysay Gantaallo Balastic ah oo ay maleeshiyooyinka Xuutiyiinta ku rideen Sacuudiga.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa Cambaaraysay maleeshiyaadka Xuutiyiinta ee Yemen oo gantaalada balaastikada ku riday Magaalooyinka Riyadh iyo Jizan ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya gelinkii dambe ee Sabtida oo ku beegnayd 28 Maarso , 2020.

Warsa-xaafadeedkaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dowlada federaalka Soomaaliya oo ku qornaa Luuqadda carabiga ayaa sidoo kale lagu sheegay in Soomaaliya ay u aragta weeraradaasi xadgudub qaawan iyo hanjabaad ka dhan ah deganaanshaha gobolka iyo iska-dhega-tirid geedi socodka nabadda.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si kulul u cambaaraynaysaa maleeshiyooyinka Xuutiyiinta ee Yemen ee gantaalada balaastikada ku riday Magaalooyinka Riyadh iyo Jizan ee Boqortooyada aanu walaalaha nahay ee Sacuudi Carabiya gelinkii dambe ee Sabtida oo ku beegnayd 28 Maarso , 2020 , waxa ayna u aragtaa xadgudub qaawan iyo hanjabaad ka dhan ah deganaanshaha gobolka iyo iska-dhega-tirid geedi socodka nabadda”.

Sidoo kale War-saxaafadeeedka ayaa lagu sheegay in dowlada Soomaaliya ay garab taagan tahay Boqortooyada kahortagidda cid waliba oo wiiqaysa amnigeeda qaran.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay caddaynaysaa in ay ku garab taagan tahay Boqortooyada kahortagidda cid waliba oo wiiqaysa amnigeeda qaran, waxa ayna adkeynaysaa mowqifkeeda adag ee taageeraya tubta Riyadh ee xalinta dhibaatooyinka siyaasadeed ee Yemen” ayaa lagu soo gaba gabeeyay war-saxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda arrimaha Gudaha dalka.No photo description available.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close