Wararka

Baarlamanka waddanka Algeria oo madaxweyne ku meel-gaar ah u magacaabay af-hayeenkii aqalka sare ee dalkaasi

Baarlamanka waddanka Algeria ayaa maanta madaxweyne ku meel-gaar ah u magacaabay af-hayeenkii aqalka sare ee dalkaasi Cabdulqaadir Ben Saalax kadib markii uu asbuucii hore iscasilay madaxweynihii waayeelka ahaa ee Algeria Cabdicasiis Butafliiqa.
Madaxweynaha ku meel-gaarka ah ayaa xilka hayn doona mudda 90 maalmood ah isagoo diyaarinaya doorasho rasmi ah oo dalka ka dhacda markii wakhtiga ku meel-gaark ah dhammaado.
Kacdoon dibad-baxyo ah oo ku khasbay madaxweynihii hore in uu xilka ka dego ayaa sii xoogaystay kadib markii maanta la magacaabay Cabdulqaadir Ben Saalax oo saaxiib dhow la’ ahaa Butafliiqa.
Abaabulayaashii kacdoonka ayaa dalbanayaa in dhammaan xubnihii ka agdhowaa madaxweyne Butafliiqa oo uu ku jiro Ben Saalax aysan qeyb ka noqon hannaanka kala-guurka dalka iyagoo ku hanjabaya in ay dibax-baxyada sii wadayaan.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close