Wararka

Askari ka tirsan Ciidamada dowlada oo darawal kaxeeya Mootada bajaajta ku dilay magaalada muqdisho.

 Dilka ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa labada Buundo ee degmooyinka Xamar Jajab iyo Waabari, iyadoo uu geystay dilka askari ka tirsan ciidanka canshuuraha ee loo yaqaano minishiibiyo,dilka ayaa yimid  ka dib markii uu muran soo kala dhexgalay darawalka iyo askariga dilka geystay.

Askariga dilka geystay ayaa isaga baxsaday goobta iyadoo darawalada kaxeeya mootada bajaajta ay banaanbax ka dhigeen isgoyska dabka,ciidamada ilaalada degmada waaberi ayaana  rasaas ku kala eryay dadka dibadbaxa sameyanayey

Dhalinyarada kaxeysa mootada loo yaqaano bajaajta ayaa dhibaatooyin isugu jira dilal, iyo handadaad kala kulma ciidamada ilaalada canshuuraha ee loo yaqaano minishiibiyo mana jirto cid ka hadasha dilalka loo geysto wadayaasha motooyinka bajaajta.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close