Wararka

Waaaarada Caafimaadka oo ka degtay in la baahiyo wararka aan xaqiiqada aheen ee la xariira Cronavirus.

Waaaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa maanta war kasoo saartay dadaaladda ay ugu jirto ka hor tagga caabuqa Cronavirus waxaana qoraal kasoo baxay wasaaradda lagu sheegay in ay xiriir joogto ah oo rasmi ah la leeyihiin dhamaan hay’adaha caalamiga ah ee ku shaqada leh caafimaadka iyo isku-gooshka.

Qoraalka kasoo baxay wasaaradda caafimaadka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay heegan buuxda galiyeen shaqaalahooda xarumaha dalka laga soo galo iyadoo ruux walba uu musaafir ah uu marayo baarista asaasiga ah ee lagu hubinaayo xaaladiisa caafimaad sidoo kale la xaqiijinaayo socdaalka iyo goobaha uu soo maray.

“Wasaarada Caafimaadka Federaalka Soomaliya waxay xaqiijinaysaa in aysan jirin ilaa iyo haatan qatar la xiriirta cudurka mana jirto qof isagoo aan soo marin hab raacyada lagu hubiyo cudurka ama laga shakisan yahay oo dalka soo galay”. ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda caafimaadka.

Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa dhamaan war baahinta dalka iyo kuwa caalamiga ugu baaqday in aysan baahin war-bixinada xasaasiga ah ee la xiriira cudurkan oo aan la abuurin walaac aan jirin waxaa ayna intaasi ku dartay in warbixinada la xeriira cudurkaan Cronavirus-ka aan laga qaadan karin meel aan wasaaradda cafimaadka aheen.

“Wasaarada Caafimaadka waxay ku boorinaysaa dhamaan war baahinta dalka iyo kuwa caalamiga ahba inaan la faafin war bixinada xasaasiga ah ee la xiriira cudurkan oo aan la abuurin walaac aan jirin. Waxaan ku adkeeynaynaa dhamaan warbaahinta iyo dadweynahaba in warbixinta cudurka cronovirus aan laga qaadin meel aan Wasaarada Caafimaadka ahayn” ayaa lagu soo gaba gabeeyay qoraalka ay soo saartay wasaradda caafimaadka.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close