Wararka

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada oo dib ula wareegtay xaruntii talefoonnada dalka.

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa dib ula wareegtay xaruntii talefoonnada dalka ee ku taallay degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha degmada Warta Nabadda Marwo Zaynab Maxamuud Warsame ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay, soona dhoweyneyso in dhismahan dib loo dayactiro, looguna adeego shacabka.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Eng Cabdi Cashuur Xasan, oo uu wehliyay wasiiru-dawlaha wasaaradda ayaa uga mahadceliyay maamulka Gobolka Banaadir gacantii ay ka geysteen in dhismahan dib loogu soo celiyo Wasaaradda, iyadoo arrintan qeyb ka tahay qorshaha 2019 ee ay wasaaraddu ku soo celineyso, isla markaana ku shaqo-gelineyso qaar ka mid ah dhismayaashii ay hore u lahayd Wasaaraddu.

Wasiirka ayaa sheegay in in marka dhismahan dib loo dayactiro, lana qalabeeyo, uu noqon doono meel ay dhallinyarada Soomaaliyeed ku soo bandhigi karaan hal-abuurkooda dhinaca teknolojiyada (National ICT Innovation Center).

“Labadii sano ee la soo dhaafay waxaan diyaarinay sharciyadii iyo siyaasadihii dhiirrigelin lahaa hal-abuurka dhinaca isgaarsiinta iyo teknolojiyada. Waxaan dooneynaa markan in dhallinyaradu ka faa’iideystan fursadaha ka dhalan doona tartanka suuqa furan ee isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalkeena” ayuu yiri wasiirka.Image may contain: 4 people, people standing and outdoor

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close