Wararka

Sargaal ka tirsanaa Al-shabaab oo isu soo dhiibay hay’addah Nisa.

Qoraal la soo dhigay barta Twitterka ee NISA ayaa lagu sheegay in Mukhtaar Ganeey oo muddo dheer ka tirsanaa Al-Shabaab, isla markaana uu NISA ka dalbaday inay u sahasho sidii uu Al-Shabaab uga soo goosan lahaa ayaa Diyaarad lagu keenay magaalada Muqdisho.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Mukhtaar Maxamed Cabdi (Mukhtaar Ganeey), waxaa uu ka mid ahaa qeybta Jabhadaha Al-Shabaab ayaa maamihii ugu dambeyay ku jiray Xaruun ay Maamusho Hey’ada Nabad Sugida Qaranka eek u taala Magaaladda Baydhabo.

Qoraalka Lagu soo daabacay Barta Twitter-ka Ee Nisa Ayaa u qornaa sid tan ” Waxaa hadda Muqdisho soo gaaray Mukhtar Mohamed Abdi (Mukhtaar Ganeey), oo ahaa sargaal sare oo muddo dheer ka tirsanaa argagixisada Alshabab, kadib markuu ka dalbaday NISA inay u sahasho sidii uu uga soo goosan lahaa”.

Isbuucyadii u dambeeyay waxaa isa soo tarayay Saraakiil ka soo goostay Al-Shabaab, kuwaasoo isu soo dhiibay Taliska NISA.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close