Wararka

Wasiirka gar-gaarka maareynta masoobooyiinka iyo masuuliyiin kala oo maanta ka qayb galay xuska maalinta qaxootiga addunka.

Iyadoo maanta dunida laga xusayo maalinta qaxootiga aduunka ayaa munaasabad lagu weynaynayo maalinkan lagu qabtay xarunta aqalka dowladda hoose Xamar.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka gar gaarka maareynta masoobooyiinka xukumadda federaalka Soomaaliya, gudoomiyaha gobolka Banaadir, masuuliyiin ka socotay xafiiska hay’adda qaxootiga addunka ee UNHCR, hay’addaha daneeya arimaha qaxootiga iyo qaar kamida qaxootiga kunool gudaha Magaaladda Muqdisho.

Hadalo quseeya maalinkan ayay madaxda kasoo qeyb gashay ka jediyeen goobta iyadoo wakiilka hay’adda UNHCR ee arimaha Soomaaliya uu sheegay in ay muhiimtahay taageridda dadka qaxootiga ku ah dalka iyadoo ujeedka ugu weyn uu ku sheegay in ay tahay is dhex galka bulshada .

Wasiirka gar gaarka iyo maareynta masoobooyinka xukumadda federaalka Soomaaliya Xamza Saciid Xamza oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in tirada dadka qaxootiga ee kunool dalka ay gaarayaan in ka badan 2.6 milyan isaga oo intaasu ku daray in kaliya dalka aysan kunoleyn qaxootiga balse ay kunoolyihiin dad barakacayaal ah kuwaas oo lamid ah qaxootiga.

Gudoomiyaha gobolka Banadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxman Cumar Cusmaan ENG. Yariisow ayaa ka hadlay muhiimadda maanta ay u leedahay qaxootiga Isagoo sheegay in ay markasta diyaar uyihiin in ay garab sitaagaan gacan siinta dadka qaxootiga ah ee dalka ku soo laabtay iyo kuwa barakacyaasha ah ee ku jira xaryaha barakacyaasha caasimada.

“Waxaa diyaar u nahay in aan gacan siinno qaxootiga ku soo laabtay dalka iyo dadka barakacayaasha ee ku nool caasimadda Muqdisho” sidaas waxaa yiri guddoomiyaha goablka Banadir.

Mid kamida dad qaxootiga ee kunool Muqdisho  ayaa ku hadlay afka qaxootiga Yamaniyiinta.

“Maanta oo ay tahay maalinka qaxootiga aduunka anigoo ku hadlaya magaca dadka qaxootiga yamaniyiinta ee kunool gobolka Banaadir dhamaan inta halka ku sugan waxaan idin ku salaamay salaanta islaamka Asalaamu Calaykum wa Raxmatullahi wa Barakaatahuu, intaas ka dib ugu horeyn waxaan u mahad celinayaa cidda soo abaabushay munasabadn weyn ee maalinka qaxootiga aduunka siiba maamulka Gobolka Banadir oo wax badan naga taageray iyo hay’adda Qaramada Midoobay ee taagerta qaxootiga kuwaas oo iyana naga taagayray helidda waxbarasho, caafimaad iyo waxyaabaha nolosha aasaasiga u ah.Image may contain: 3 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 4 people, people sittingImage may contain: 7 people, people standingImage may contain: 15 people, people smiling, people sittingImage may contain: 5 people, people sitting

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close