Wararka

Imtixaanka Dugsiga dhexe oo maanta ka furmay dalka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa daahfuray imtixaanka mideysan ee fasalka siddeedaad oo markii ugu horreysay 30 sano kaddib muqdisho ka dhaca.

Agaasimaha waxbarashada gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Sheekh Nuur ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin taariikhi ah, isagoo uga mahadceliyay maasuuliyiinta gobolka iyo wasaaradda waxbarashada kaalinta ay ku lahaayeen in caasimadda laga daahfuro imtixaankaan.

Wasiiru dowlaha wasaaradda Waxbarashada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle Jaabiri ayaa sheegay in shaqaalaha wasaaradda waxbarashada iyo masuuliyiintoodu ay waqti badan geliyeen sidii loo qaadi lahaa imtixaan mideysan oo dugsiga dhexe ah, wuxuuna ardayda ugu baaqay in ay ku dadaalaan waxbarashada.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed “Cumar Filish” oo iskuulka 15-ka May ka daahfuray imtixaanka ayaa sheegay in guul weyn ay tahay in 30 sano kaddib, dib loo soo celiyo qaadista imtixaanka dugsiyada dhexe ee dalka, wuxuuna ardayda u rajeeyay guul.

Godomiyaha gobolka banaadir oo magalada muqdisho maanta ka daah furay imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad

Godomiyaha gobolka banaadir oo magalada muqdisho maanta ka daah furay imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad Cumar Buule

Posted by TUSMO TV on Saturday, 11 July 2020

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close