Wararka

Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo maanta booqday seddex shirkadood oo soo saara qalabka dhismaha iyo Gawaarida dalka Shiinaha.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumada federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa maanta booqasho ku tegay xaruma ay leeyihiin seddex shirkadood oo laba kamida ay soo saran khalabka dhismaha Culus halka shirkada kalana ay soo saarta Gawaarida.

Shirkadaha uu maanta booqday Ra’iisal wasaaraha ku-xigenka dalka ayaa kala ah Sany, SAIC Volkswagen Automotive Co, Ltd iyo China Railway Construction Heavy Industry Co Ltd.

Shirkadda SAIC Volkswagen Automotive Co., Ltd waxa ay kamid tahay shirkadaha  sameeya Gaadiidka  ee laga leehay Dalka Shiinna, Shirkadda China Railway Construction Heavy Industry Co. Ltd. ayaa iyana soo saarta Mashiinnada dhismaha, halka Shirkadda Sany Heavy Industry Co., Ltd. ay soo saarto qalabka culus.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa soo Indha0Indheeyay dhammaan waxyaabaha ay soo saaraan Shirkadaha ay booqdeen, waxanay madaxda Shirkaduhu u sheegeen in ay ku hamminayaan in qalabka ay soo saaraan loo iib keeno Dalka Soomaaliya.

Mahdi Maxamed Guuleed Khadar Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka ayaa kusugna dalka Shiinaha iyagoo maalmihii lasoo dhaafayna ka qayb galay bandhig Carweed lagu casuumay oo ka dhacay Gobolka Hunnan ee Dalka Shiinaha.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close