Wararka

Xogta safarka madaxweyne Trump ee boqortooyada Ingiriiska.

Booqashada Trump ayaa imanayso xili dalka Ingiriiska uu ku jiro xaalad kala duwanaasho siyaasadeed

Madaxweyne Trump ayaa maanta booqasha seddex maali ah ku tagay dalka ingiriiska waxaana aqalka Boqortooyada Ingiriiska ee Buckingham kusoo dhaweeyay boqorod Elizabeth II.PHOTO: Britains Queen Elizabeth II greets President Donald Trump as he arrives for the Ceremonial Welcome at Buckingham Palace, in London, June 3, 2019.

Madaxweyne Trump ayaa booqasha kutagay dalka Ingiriiska sanadkii hore kaas oo qatay waqti yar waxaa unaa ahaa safar shaqa balse Trump ayaa noqday madaxweyniinii seddexaad oo Booqasha heerkeedo sareeyo kutaga boqortooyada Ingiriiska kadib madaxweynayaashii kala ahaa George W. Bush oo booqasha noocaan ah kutagya Ingiriiska sanadkii 2003 iyo  madaxweyne Obama oo isna booqday boqortooyada sanadkii 2011.

Haddaba waxaan halkaan idin kusoo gudbin doonaa jadwalka booqasha madaxweyne Trump inta uu kusugan yahay Boqortooyada ingiriiska.

Maalinta koowaad.

Booqashada madaxweynaha ayaa u bilaaWatay maanta oo noqonayso maalintiisi koowaad ee booqashada uu ku jooga dalka Ingiriiska waxaa uuna la kulmi doonaa xubnaha kala duwan ee boqortooyada waxaana kol horeba hoyga boqortooyada ee Buckingham kusoo dhaweeyay boqorad Elizabeth II.

Madaxweynaha ayaa la kulmi doona dhamaan xubnaha qoyska boqortooyada inta aan ka aheen xaaska Prince Harry oo layiraahda Meghan oo ah umul.PHOTO: First lady Melania Trump, Britains Queen Elizabeth and President Donald Trump in the Grand Corridor during their visit to Windsor Castle, Windsor, Britain, July 13, 2018.

Meghan iyo madaxweyne Trump ayaan laheen xariir wanaagsan iyagoo kala aragti duwan waxaana dhici jirtay in ay baraha bulshada iska dhaleeceeyaan.

Madaxweynaha ayaa ugu danbeyn galabta kulan ay ku shaaxaysaniyaan la yeelan doona qaar kamida qoyska boqortooyada Ingiriska.

Ugu danbeyn markii ay soo idlaato casha sharafta lagu wado in ay ka qayb galaan dhamaan qoyska madaxweyne Trump iyo kan boqortooyada Ingiriiska waxaa madaxweynaha loo galbin doonaa aqalka Winfield oo ah meesha gaarka ah ee uu dagan yahay safiirka dalka Maraykanka u jooga dalka Ingiriiska halkaas oo ay joogi doonaan inta ay booqashada ugu dhamanayso.

Maalinta 2-aad.

Maalinta 2-aad ee booqashada madaxweyne Trump ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha xariirka ganacsiga ee u dhaxeeyo labada dal iyadoo madaxweynaha ay aqalka xukuumada Ingiriiska ee loo yaqaano Downing Street kusoo dhaweyn doonta ra’iisal wasaare Theresa May.

Ri’iisal wasaare Therasa May ayaa Maalinta 2-aad furi doonta shir looga hadlaayo arrimaha ganacsiga waxaana ka qeyb-gali doona hoggaamiyaasha ganacsatada labada dal halka madaxweyne Trump uu goob jooge ka noqon doona.

Booqashada Trump ayaa imanayso xili dalka Ingiriiska uu ku jiro xaalad kala duwanaasho siyaasadeed taas oo sababtay in ra’isal wasaare Therasa May ay ku dhawaaqdo in ay xilka iskaaka tagi doonta 7-da bishaan Jun.

Iyadoo uu madaxwweyne Trump soo dhaweeyay wadahadalada ay Biriteen ugu jirta ka bixidda Yurub ayaa waxaa warbaahinta la hadlay la Lataliyaha madaxweynaha dhanka amaanka Qaranka Mareykanka John Bolton waxaa uuna sheegay “in Mareykanka uu marka 1-aad uu sugaayo qorshaha Ingiriiska ee kabixida Midowga yurub”.

Maalinta 3-aad.

Maalinta 3-aad madaxweynaha ayaa boqoroda kala qeyb gali doona munaasabada 75-sano guuradii kaso wareegatay digaalkii 2-aad ee adduunka kaas oo lagu xasuusanaayo ciidankii Ingiriiska kaga dhintay digaalkii 2-aad ee adduunka waxaa ayna kadhici doontaa magaalada Portsmouth.

Ugu danbeyn madaxweyne Trump ayaa la kulmi doona ra’iisal wasaaraha jasiirada Irish Taoiseach Leo Varadkar waxaa uuna booqan doonaa goobaha qadiimiga ah ee jaziirada Irish ka hor inta uu u sii gudbin dalka faransiiska oo uu ugu qayb gali doona muunasabada 75-sano guuradii kasoo wareegatay dagaalkii 2-aad ee addunka.PHOTO: U.S. President Donald Trump with Queen Elizabeth II, inspects the Guard of Honour at Windsor Castle in Windsor, England.

 

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close