Wararka

Wafdi kasocday dowlada oo gaaray dalka Itoobiya si ay ugu qayb qaatan aaska Allah U naxariistee Abwaan Singub.

Wafdi kasocda Xukuumada federaalka ah Soomaaliya ayaa gaaray dalka Itoobiya si ay ugu qayb galaan aaska maanta magaalada Jigjiga loogu samaynaayo Allah U naxariistee Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Singub).

Wafdigaan oo uu hoggaaminaayay wasiirka Duulista iyo Hawada Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee caasimada Adis- Ababa kusoo dhaweeyay Wasiirka Macdanta iyo Shidaalka ee Dowlada deeganka Soomaalida Eng Hamdi Axmed Omar iyo diplumaasiyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliyeed ee Itoobiya.

Wafidiga ka socda dowlada Soomaaliya ayaa ka kooban Xildhibaano, Fanaanii Abwaano iyo Masuul ka socota Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Allah u naxariistee maydka Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise ayaa hadda laga dajiyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Jigjiga xarunta dowlad deegaanka Soomaalida iyadoo ay garoonka ku sugnaayeen masuuliyiin uu ugu horeeya madaxweynaha dowlad deegaanka Mustafa Mohumud Cagjar.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close