Wararka

Wasiiru dowlaha wasaaradda Amniga gudaha XFS oo furay Shirka xoojinta wadashaqeynta Hay’adaha ka howlgala Barxuduudeedka dalka.

Wasiiru dowlaha  wasaaradda Amniga gudaha Xildhibaan Maxamuud Maxamed Buunow ayaa furay Shirka xoojinta wadashaqeynta Hay’adaha ka howlgala Irdaha Dalka laga soo galo lagana baxo ( Bar-xuduudeedyada).

Shirkaan oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa waxaa kasoo qeybgalay Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Rayidka, Wasaaradda Dekadaha, Wasaaradda Caafimaadka, Boliiska Garoonka Aadan Cadde, Maamulka Garoonka Aden Cadde, Hay’adda Sirdoonka Qaranka, Ururka Midowga Duulimaadyada iyo Dalxiiska Soomaaliyeed iyo Gudigga shirkadaha diyaaradaha.

Agaasimaha Guud ee HSJ Col. Maxamed Aadan Kofi ayaa ku sheegay muhiimadda Shirkaan in ay tahay in la abuuro iskaashi iyo masuuliyad wadaag dhab ah oo laga yeesho howlaha ka hortagga Dambiyada Abaabulan ee isaga gudba xuduudaha.

Waa Shirkii 3aad oo noociisa ah oo ay Soo qabanqaabisay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo looga arinsanayay xoojinta wadashaqeynta Hay’adaha ka howlgala Irdaha Dalka (Bar-xuduudeedyada).

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close