Wararka

Madaxweynaha dalka oo dar-daaran u jeediyay guddiga farsamada dib u heshiisinta Somaliya iyo Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey munaasabadda daah furka go’aamadii shirka dhab u heshiisiinta DFS iyo Somaliland ayaa u rajeeyey in shirkani uu guul, walaaltinimo iyo wax wada qabsi ku soo gaba-gaboobo.

“Shirkan inshallaah waxaan rajaynaynaa in uu noogu dhammaado guul oo aan uga farxinno shacabkeenna Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxaan ka hadlaynaa sidii loo walaaloobi lahaa, wax loo wada qabsan lahaa, si dhab ah loo wada hadli lahaa, soddon sano waan wada joognay, soddon sano waan kala maqnayn, soddonka sano ee soo socda caruurteenna maxaan uga tagnaa oo dhaxal?” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Guddiga farsamada labada dhinac oo maanta uu bilaabmay fadhigoodii ugu horeeyey, ayaa Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo dardaaran dhaxal gal ah u soo jeediyey isaga oo caddeeyey in guddigu ay haystaan kalsooni buuxda oo ay kaga talo bixiyaan masiirka umadda Soomaaliyeed.

“Annagu waan idin siinnay kalsoonidayada dadkii ugu aqoonta badnaa ayaad tihiin Soomaalida, waxaa loo baahanyahay in aad ka fakartaan mustaqbalkeenna soddonka sano ee soo socda, waxaan idiin rajaynaynaa guul, waxaan idiin rajaynaynaa is afgarad walaaltinimo ku dheehan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Madaxweynaha ayaa muujiyey ifafaalaha shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ku qabaan gogosha ay fidiyeen walaalaha Jabuuti shacab iyo dowladba, maadaama ay baal dahab ah kaga jiraan dowlad dhiska dalka Soomaaliya iyo garab istaagga shacabka Soomaaliyeed.Image may contain: 1 person, sittingImage may contain: one or more people, people sitting, living room and indoorImage may contain: 1 person, sitting and indoor

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close