Wararka

Madaxda Qaran oo salaada Janaasada ku tugtay Marxuum Xasan Abshir Faarax.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle kaga qayb galay dukashada salaadda janaasada ee Marxuum Xasan Abshir Faarax oo horay u soo qabtay jagooyinka kala ah Raiisul Wasaare iyo Duqii Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa salaadda janaasada ka dib waxa uu si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka oo qaar ka mid ah ay ku kulmeen ,wuxuuna Alle uga baryey marxuuma in uu ka waraabiyo Jannatul Firdowsa,isagoo eheladana kula dardaarmay samir iyo iimaan.

Guddoonka Baarlamaanka,R/wasaare kuxigeenka Dalka,madaxweynayaashii hore, iyo xubno ka tirsan Golayaasha Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale ka qeybgalay Salaadda Janaasada marxuumkaasi oo lagu wado in lagu aaso magaalada Garoowe.

Dhanka kale magaalada Garoowe waxaa ka soconaysa qaban qaabo ku aadan aaska meydka Xasan Abshir R/wasaarihii hore,iyadoo la filayo in ay ka qeybgalaan R/wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre,madaxda dowlad goboleedyada.

Marxuum Xasan Abshir,ayaa dhawaan ku geeriyooday magaalada Ankara ee dalka Turkiga, oo in muddo ah uu ku xanuunsanayay,Xasan Abshir ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay dowladihii dalka Soo maray.Image may contain: one or more people, sky and outdoorImage may contain: one or more peopleImage may contain: 3 people, people standing, suit and outdoorImage may contain: 6 people, people standing, suit and outdoorImage may contain: 1 person, standingImage may contain: 4 people, people standing, suit and outdoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close