Wararka

Dowladda Qadar oo maalgelineysa waxbarashada dalalka ay ka jiraan xaaladaha degdegga ah.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Qatar ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani, ayaa sheegay in
Dowladda Qatar mudnaan siineysaa maalgelinta waxbarashada wadama ay ka jiraan xaaladaha degdegga ah .

Ra’iisul Wasaaraha Sheikh Mohammed ayaa maanta ka jeedinayay khudbad munaasabad heer sare loo soo agaasimay ee lagu xusaayay maalinta
caalamiga ah ee kahortaga xadgudubka waxbarashada, taasoo ay soo qabanqaabiyeen hay’ada samafalka ee waxbarashada sare ee Qatar ,UNICEF iyo UNESCO.

Sidoo kale Sheikh Mohammed ayaa tilmaamay in munaasabadan ay tahay munaasabad muhiim ah oo lagu baaqayo in la joojiyo xadgudubka waxbarashada ula kaca ah ee lala beegsanayo waxbarashada iyo
rabshadaha hubeysan ee ay la kulmaan ardayda, macallimiinta, iskuulada iyo xarumaha kale ee waxbarasho ee adduunka oo dhan, .
Waxa uu Ra’iisul Wasaaraha Sheikh Mohammed sheegay in Dawladda Qatar ay rajaynayso in ardayda iyo dhalinyarada lagu wacyigaliyo munaasabada
maalindan caalamiga taaso u jeedadeedo tahay in la iska kaashado qaabkii loo joojin lahaa xadgudubka waxbarashada ula kaca ah ee lala beegsanayo waxbarashada.

Ra’iisul Wasaaraha Sheikh Mohammed ayaa carabka ku adkeeyay in waxbarashadu ay tahay aalad wax ku ool ah kana qaybqaadan karta horumarka , barwaaqada, dib u dhiska dhaqaalaha iyo bulshooyinka ay
burburiyeen iskahorimaadyada iyo dhibaatooyinka, wuxuuna sheegay in cudurka faafa ee karoona (Covid 19) uu muujiyey sinnaan la’aanta ka jirta qaab dhismeedka tacliinta ee waddamada qaar, iyo baahida degdegga ah ee loo qabo in wax looga qabto, sidii carruur iyo Dhallinyaradba.

Gabagabadii Ra’iisul Wasaaraha Sheikh Mohammed ayaa carabka ku adkeeyay in waxbarashadu ay safka hore kaga jirto siyaasada Qadar,wuxuuna yiri “Dowlada Qatar waxay sii wadi doontaa balanqaadkeeda ah
in waxbarashada la gaadhsiiyo malaayiin caruur ah oo danyar ah, lana ilaaliyo xarumaha waxbarashada”.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close