Wararka

Madaxweynaha Soomaaliland Oo Digreeto Xilalka Kaga Qaday Wasiiro Loo Heyso Eedeymo La xiriirta Musuq Maasuq.

Warqada Kasoo BAxday Xafiiska MAdaxweynaha amaamulka soomaaliland Muuse  Biixi Cabdi Ayaa Xilakii ay HAyeen Loogu Qaday Wasiirka Warfaafinta ,Wasiirka Gaashaandhiga Iyo Agaasimayaal

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Ujeeddo: Xil Ka-qaadista Wasiiradda

Ku: Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax Diiriye (Guri Barwaaqo);Wasiirkii Hore ee Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka

Ku: Ciise Axmed Yuusuf Cabdalle;Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga

Ku: Maxamed Muuse Abees:Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka

Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen ee kala ahaa:

  1. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka.
  2. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga.
  3. Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka.

Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran.

ayaa lagu yiri Warqada AKsoo BAxaday Xafiiska Madaxweyanah Soomaaliland

Xil Ka Qaadistaan ayaa Waxay Imaaneysaa Xili Wasiirada Hada Xilalka Laga Qaaday Qaarkood ay U Xiranyihiin Falal Musuq Maasuq Ah.

Show More

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close