Wararka

Madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee Jubbaland oo soo dhaweeyay Natiijaddii ka soo baxday Guddigii Jabuuti.

Madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee Dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo shir jaraa’id qabtay markii uu soo dhamaaday shirka asbuuclaha ah ee golaha wasiirada Jubbaland ayaa ka hadlay arrimo kala duwan oo xasaasi ah.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa soo dhoweeyey natiijada baaritaanka guddigii xaqiiqo raadinta ee IGAD ay u saartay baaritaanka eedeyntii ay DFS u jeedisay Kenya, Waxaa uu sheegay in eedeyntaas loogu gafay Dowlad goboleedka Jubbaland ka dib markii jabhad lagu tilmaamay ciidanka Daraawiishta Jubbaland.

Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan waxa uu ka hadlay eedeyntii dowlada federaalka u jeedisay ciidamada Kenya ee Nabad illaalada u jooga Soomaaliya kuwaas oo la tilmaamay in ay ka baxeen deegaano ay horay u haysteen.

Madaxweyne Ku xigeenka ayaa sheegay in ka bixitaanka Ciidamadaasi ee deeganada Faafax Dhuun iyo Buusaar ay ka danbeysay ka dib markii golaha Amniga Jubbaland ay codsi u direen Ciidanka AMISOM.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close