Wararka

Dowlada oo daah-furtay diiwaan-gelinta Diyaaradaha Iyo Ruqsad-siinta Xirfadleyaasha.

Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad oo daah-furay diiwaan-gelinta Diyaaradaha Iyo Ruqsad-siinta Xirfadleyaasha ayaa ka warbixiyey dadaalka mugga weyn ee dowladda Soomaaliya ay ku bixisay sanadihii la soo dhaafay dib u soo celinta Astaamaha Qarannimada.

Wasiirka ayaa ku boggaadiyay dadaalka Hey’adda duulista Rayidka Soomaaliyeed Iyo howlwadeenada Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada shaqada adag ee ay ka qabteen nidaamka duulimaadka dalka.

Munaasabadda oo ay goobjoog ahaayeen qaar ka mid ah Safiirada dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya, Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka, milkiileyaasha Soomaaliyeed ee leh Shirkadaha diyaaradaha Iyo hawlwadeenada Wasaaradda Gaadiidka Iyo Duulista Hawada Iyo Hey’adda duulista Rayidka Soomaaliyeed ayuu wasiirka ku guddoonsiiyay oggolaansho shaqo iyo rukhsado ka marag kacaya aqoontooda shirkadaha duullimaayada iyo Duuliyaal soomaaliyeed.May be an image of standing, aircraft and outdoorsMay be an image of 10 people, people standing and suitMay be an image of 12 people and people standingMay be an image of 6 people and people standingNo photo description available.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close