Wararka

DEG DEG: RA’IISAL WASAARAHA ITOOBIYA OO KU GUULAYSTAY BILADDA ABAAL MARINTA NABADDA.

Ra’iiisal wasaaraha dalka Itoobiya Dr. Abiy Ahmed ayaa ku guulaystay abaal marinta biladda Nabada sanadka 2019-ka kadib markii uu heshiis taarikhi ah ka gaaray khilaaf in muddo ah soo jiitamaayay kaas oo uu dhiig badani ku daaday sidoo kalena dad wada dashay ku kala dheeraadeen waaa xudduuda dowlada Eritrea la wadaagtay Itoobiya.

Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya ayaa amaal marintaan ku qaraaqay dad badan uu u sharaxnaa biladaan sidii ay ku hanan lahayeen oo ay kamid yihiin gabadh lix iyo toban sano jir ah oo layirahdo Greta Thunberg oo u dhadhaqaaqda nabada iyo waliba haweyneyda hoggaamiyaha ka ah dalka New Zealand Jacinda Ardern..

Ra’iiisal wasaaraha dalka Itoobiya Dr. Abiy Ahmed ayaa dadaal xoogan ku biiyay sidii uu kosoo afmeeri lahaa dagaal qaatay laba qarni oo u dhaxeeyay dowladaha Itoobiya iyo Eretria. Sidoo kale mudane  Abiy Ahmed ayaa sameeyay isdhex gal dhaqaalo iyo mid bulsha dhamaan gobolada dariska la ah.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close