Wararka

Baarlamaanka Galmudug Oo Cod buuxa ku ansixiyey Golaha Wasiirada cusub.

Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug oo maanta yeeshay Kalfadhiga 1aad kulankiisa 20-aad ayaa dood dheer ka yeeshay Ajandaha Kulankooda oo ahaa hageysiga qorshaha xukuumada cusub iyo ansixinta golaha wasiirada.

Ugu horeyn waxaa kulanka furay Guddoomiyaha Golaha wakiillada Galmudug Dr. Maxamed Nur Gacal waxaana kulanka soo xaadiray 78 mudane.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Kaariye Qoor Qoor oo Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ka hor akhriyay qorshaha iyo Barnaamijka xukuumadda iyo habkii uu ku soo xulay golihiisa wasiirada ayaa baarlamaanka ka codsaday in ay u codeeyaan wasiirada cusub.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa Goob joog ka ahaa madaxweyne Ku xigeenka Galmudug Cali Ciid iyo wasiirada cusub.

Gaba-gabada kulanka ayaa waxaa lagu ansixiyay golihii wasiirada ee xukumada cusub ee Galmudug sida uu shaaciyay Guddoomiyaha Golaha wakiillada Galmudug Dr. Maxamed Nur Gacal waxaana codka kalsoonida siiyey xukuumadda dhamaan 78-dii xildhibaan ee soo xaadirtay.Image may contain: 1 person, standing and suitImage may contain: 1 person, sittingImage may contain: 3 people, people sitting and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close