Wararka

DEG DEG: Dowlada Ingiriiska oo xaqiijisay kiiskii ugu horeeyay ee Fayraska Korona iyo warbixintii ugu danbaysay.

Dalka Boqortooyada Ingiriiska ayaa xaqiijiyay kiiskii ugu horeeyay ee Fayraska Korona waxaa ayna masuuliyiinta caafimaadka ingiriiska sheegeen in laba ruux oo isku qoys ah laga helay Fayraskaan.

Dowlada Malaysiga oo ah dowlada ugu soo saarka badan caalamka Gloves-ka gacmaha la gashta ayaa shaacisay in ay dowlada Shiinaha ugu deeqi doonta 18 Million oo Gloves-ka daawada ah sida uu ku dhawaaqay wasiirka warshadaha ee Malaysia Teresa Kok.

Teresa Kok ayaa intaasi ku daray in dhaqsiba ay laba kambani ee soo saara Gloveska oo la kala yiraahdo Top Glove iyo Supermax, ay dalka Shiinaha gaarsiiyeen 2.3 million oo Gloves-ka.

Horjoogaha Hong Kong Carrie Lam oo shir jaraa’id ku qabatay xafiiskeeda goor dhaw ayaa amar ku bixisay in aan la furin dhamaan dugsiyada Hoose, dhexe iyo sare ee dowlada iyo kuwa gaarka looleeyahayba ilaa iyo 2-da bisha Maarso kadib cabsi xoogan oo laga qabo faafida cudurkaan.

Illaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay in ay u dhinteen fayraskaani 231 ruux iyadoo sidoo kale ay la xanuunsanayaan ku dhawaad 10,000 oo ruux adduunka oo dhan.

Maalinimadii arbacada ayay shirkadda duulimaadyada ee Ingiriiska (British Airways ), joojisay duulimaadyadii tooska ahaa ee ay ku tagi jirtay dalka Shiinaha kadib casbida fayraskaan Korona oo faafidiisu sii kordhayso caalamka oo idil.

Shirkadda Duulimaddka ee Kenya Airways ayaa joojisay duulimaadkii tooska ahaa ee ay ugu bixi jirtay magaalada Guangzhou ee dalka Shiinaha kadib faafida xowliga kusocota ee Fayraska Korona.
Warsaxaafadeedka kasoo baxay shirkaddaan ayaa lagu sheegay in ay go’aankaan qaateen kadib markii ay tallooyin muhiim ah ka heleen wasaaradda arrimaha dibadda dalka Kenya. waxaa ayna sheegeen “ka bilaabata maanta oo Jimcaha ah 31-da bisha Janaayo in aan wax duulimaad ah shirkadaan u aadi doonin magaalada Guangzhou ee dalka Shiinaha”

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close