Wararka

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo daahfuray labaad ee hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xarigga ka jaray xaruta labaad ee hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo laga hirgeliyay degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.

Xaruntaan cusub ee laga daahfuray degmada Cabdicasiis ayaa ah mid loogu adeegi doono bulshada caasimadda gaar ahaan 8-degmo oo katirsan gobolka Banaadir kuwaas oo kala ah, degmooyinka,Cabdicasiis,Kaaraan,Yaaqshid,Shibbis,Boondheere, Hiliwaa,Shangaani iyo XamarWeyne.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa hay’adda socdaalka ku boggaadiyay shaqooyinka ay bulshada u heyso, waxaa uuna sheeyay in tani ay kamid tahay dadaallada dowladdu ay ugu jirto in adeegyada loo dhaweeyo shacabka.

Wasiir ku xigeenka maaliyadda XFS Cabdullaahi Sheekh Cali Ibraahim (Qaloocow) ayaa sheegay in xarunta cusub ee bixinta Baasaboorka oo maanta laga hirgaliyay degmada Cabdicasiis ay culeyska ka fududeyn doonto xarunta weyn.

Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya, korneyl Maxamed Aadan Koofi oo ka hadlay Munaasabadda ayaa xusay in furitaanka xaruntaan ay timid kaddib dalab uga yimid shacabka oo ahaa in la ballaariyo xarumaha hay’adda maadaama uu ciriiri badan ka jiray xarunta laga bixin jiray Baasaboorka,isagoo sheegay in xaruntaan ay hadda wixi ka dambeeya loogu adeegi doono bulshada ku nool 8 degmo.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Maxamed {Xijaar} oo ka hadlayay furitaanka xarunta cusub ee bixinta Baasaboorka ayaa bogaadiya in hay’addu ballaarisay goobaha loogu adeegayo bulshada.

Munaasabadda xarig jarka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa saraakiil ka tirsan dowladda,Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed,guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir, iyo masuuliyiin kale.

   

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close