Wararka

Munaasabad lagu sagootinayo 37 arday oo deeq waxbarasho ka helay dalka Shiinaha oo lagu qabtay Muqdisho.

Munaasabada waxaa Goob Joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha & Tacliinta Sare, Cabdulaahi Goodax Barre ,Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi xaanshi Cabdullahi, Wasiirka Boostada iyo isgaarsiin, Qunsulka Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya, waalidiin iyo marti sharaf kale oo lagu casumay munaasabadda.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha & Tacliinta Sare, Cabdulaahi Goodax Barre ayaa ka hadlayo ahmiyada ay leedahay horumarinta waxbarashada ardayda Soomaaliyeed islamarkaana kawasaarad ahaan ay dadaal ku bixinayaan helida deeqdan waxbarasho ee dhallinyarada Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaanshi Cabdullaahi ayaa isana ka hadlay Garab istaaga Dowlada shiinaha ay siiso dowlada Soomaaliya taas oo aan aheyn markii ugu horeysay islamarkaana dowlada shiinaha ay hore dalka ugu fulisay mashaariic ay ka mid yihiin wadooyinka iyo goobaha taariiqiga ah.

Wasiirka wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta XFS. Ayaa ka hadlay muhiimada waxbarashadu ay u leedaha dalka iyo in la horumariyo tiknoolajiyada taas oo ahmiyad gooni ah uleh talka .

Qunsulka Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya, ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya iyo Dowlada shiinaha uu ka dhaxeyo xariir qoto dheer kaas oo qeyb ka ah xariirka wanaagsan ee labada dowladood, Qunsulka Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa balan qaday in dowlada shiinaha ay sare u qaadeyso deeqaha waxbarasho oo ay siiyaan Soomaaliya.

Waalidiinta ardayda nasiibka u helay deeqaha waxbarasho ee dalka shiinaha ayaa u mahad celiyaya wasiirka wasaaradda waxbarashada mudane Cabdullaahi Goodax Barre horumarka uu ugu jiro sidii ardayda Soomaaliyeed ay deeqaha waxbarasho ay ugu heli lahaayeen si cadaalad ah .

Sidookale waalidiinta ayaa sheegay in ay dhamatay nin jecleysi islamarkaana maanta ay carruurto u heleen deeqaha waxbarasho ee dalka dibadiisa si cadaalad ah.Image may contain: 2 people, people smiling, textImage may contain: 4 people, people standing and suitImage may contain: 2 people, people sitting and tableImage may contain: 2 peopleImage may contain: 2 peopleImage may contain: 3 people, people sitting and tableImage may contain: 4 people, people standing and suitImage may contain: 2 people, people on stageImage may contain: 4 people, people sitting

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close