Wararka

(AKHRISO): Wararkii ugu danbeeyay ee COVID-19 caalamka oo dhan.

Tirada guud ee Kiisaska dadka uu soo ritay Xanuunka coronavirus-ka caalamka oo idil ayaa gaartay 1 million (Hal million) halka dhimashahana uu isku shareeray 50,000 oo ruux. Maraykanka ayaana loo diwaan galiyay in uu noqday dalkii ugu dhimashada badnaa ee uu xanuunkaan saameeyay.

Ka sokoow dalka Shiinaha oo ah xudduntii uu ka sooo farcamay xanuunkaan loogu magac daray COVID-19, dalalka ilaa hadda uu sida qatarta ah u haleelay waxaa kamid ah Maraykanka, Talyaaniga, Spain Ingiriiska iyo Iiran waxaana dalalkaani ay kamid yihiin dalalka ugu caafimaadka Wacan Caalamka.

Qubarada Aqalka Cad ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in Muwaadiniinta American ka ah ee u dhimata xanuunkaan ay gaari karaan inta u dhaxayso 100,000 ruux ilaa 240,000 oo ruux.
Wakaaladda ka jawaab celinta musiibada FEMA ayaa Ciidamada Militariga Maraykanka ka codsatay in ay keenaan 100,000 oo ah qalabka difaaca coronaviruska.

Duqa Magaalada New York ayaa shacabka Magaakadaasi ku nool ka codsaday in ay xirtaan maaskarada wajiga marka ay dibada joogaan halka Madaxweyne Ku-xigeenka Maraykanka Mike Pence uu sheegay in ay jiri doonaan awaamir ay kooxaha caafimaadka kasoo saari doonaan isticmaalka Maaskarada maalmaha soo aadan.

Qaaradda yurub ayaa xuddun u aheed xanuunkaan coronaviruska Isbuucyo balse hadda waxaa ay ka soo roonaanaysaa sidii hore iyadoo tirada dadka uu soo ridanaayo xanuunada laga dareemay hoos u dhac.
Dadka u dhintay xanuunka coronaviruska dalalka Spain iyo Britain 24-kii saac ee lasoo dhaafay ayaa gaarayo 1,519 ruux.

Dowlada Ingiriiska ayaa maanta oo Jimco ah wadda qorsha ay laba goobood ugu badali laheed Isbitaallo u gaar ah Bukaanada uu soo rito xanuunka Coronaviruska waxaa ayna xarumahaasi cusub qaadi doonaan Bukaano gaaraayo 1,500 oo dheeri ah.

Dalka Ruush kana madaxweyne Vladimir Putin waxaa uu kor dhiyay Maalmaha aan dalkaasi laga shaqayn jirin ilaa iyo laga gaaro dhamaadka Bisha April.

Dalka Thailand na waxaa uu noqday dalkii ugu danbeeyay ee soo rogga bandawga maanta oo Jimco wixii ka danbeeyana uu dalkaasi galay xaalad deg deg ah.

Bandawga ay soo rogeen dalalka caalamka iyo Isku-socodkii aduunka oo la joojiyay ayaa sabab u noqotay hoos u dhaca Ballaaran ee ku imaaday dhaqaalihii aduunka waxaana digniino ka imaanayo dhanka Qubarada dhaqaalaha aduunka ay ku sheegayaan in xanuunkaani uu halis ku noqon karo Dhaqaala caalamka haddii aan qorsha casri ah iyo xal deg deg ah loo helin.

Hay’adda qiimeynta maaliyadda ee Fitch ayaa saadaalisay maalinimadii khamiista in dhaqaalaha Maraykanka uu ku imaan doona hoos u dhac dhan 30% sababtuna ay tahay Shaqala’aanta dalkaasi haysata xili tirada dadka shaqadii ay hayeen waayay ay gaareen 10 million labadii Isbuuc ee ugu danbaysay bishii March dalka Maraykanka.

Bangiga Horumarinta Aasiya ayaa dhankiisa Maanta oo Jimco ah ka digay in dhaqaalaha aduunka uu ku imaan karo hoos u dhac dhaqaale oo gaaraayo $4.1 trillion Fayraskaani aawadiis.

Hoggaamiyaasha caalamka ayaa dhankooda ku dhawaaqay taageero maaliyadeed oo ay kula tacaalaa masiibadaan Aduunka soo wajahday ee COVID-19.

Dhanka kale Bangiga aduunka ayaa maalinimadii Khamiista meel mariyay Qorshe dhan $160 billion lagu tacaalaayo xaaladaha deg deg ah muddo gaarayso 15 Billood.Image may contain: one or more people and outdoorImage may contain: one or more people, people standing, fruit and outdoorImage may contain: one or more people, crowd, sky, outdoor and natureImage may contain: 1 person, sitting, child and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close