Wararka

Wasiirka Maaliyada KGS oo xildhibaanada maamulkaasi u Usharaxay Miisanad Sanadeedka 2020.

Wasiirka Maaliyada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Axmed Maxamed Xuseen ayaa maanta Xildhibaanada Barlamanka Koonfur Galbeed Usharaxay Miisanad Sanadeedka 2020.

Wasiirka maaliyadda koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ugu horen Xildhibaanada ugu warbixiyay halka ay marayso dhaqaalaha maamulkaasi waxaa uuna sheegay in muddooyinkii ugu danbeeyay uu sare u kac ku yimid dhaqaalaha maamulka Koonfur Galbeed ka soo gala Canshuuraha iyo kan ay kaalmo ahaan ka helaan dowlada federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Axmed Maxamed Xuseen ayaa sheegay in wasaaradda maaliyadda Koonfur Galbeed ay qorsheynayso in ay sanadkaan samayso mashaaric kala duwan oo faa’ido badan u leh shacabka deegaanada Koonfur Galbeed.

Mashaaricda uu ka dhawaajiyay wasiirka maaliyadda ayaa waxaa kamid ahaa mashruuc loogu magac daray Marwo caafimaad oo ay fulin doonta wasaaradda caafimaadka, mashruuc kor u qaadista waxbarashada deeganada Koonfur Galbeed oo uu sheegay in ay shaqaaleeysiiyeen ku dhawaad 300 oo macalin iyo mashruuc 3 malyan ku kici doona oo ku saabsan dhisida waddooyinka oo ay iska kaashan doonaan fulintiisa wasaaradda arrimaha gudaha KGS iyo dowlada hoose ee Baydhabo.

Wasiirka Maaliyada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Axmed Maxamed Xuseen ayaa ugu danbeyn sheegay in wasaaradda maaliyada KGS ay qorshaynayso sare u qaadida gunnada ay qaataan xildhibaadana Koonfur Galbeed oo uu sheegay in ay aad u hooseyso wakhtigaan la jooga asagoo dhanka kale ka codsaday Xildhibaanada in ay arrinkaan kala shaqeeyaan wasaaradda maaliyadda.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close