Wararka

Alibaba Group oo gar-garkii ugu horeeyay soo gaarsiiyay Qaradda Africa.

Mulkiilaha Shirkadda Alibaba Group ayaa dalalka Africa u soo diray gar-gaarkii ugu horeeyay ee agabka looga hortaga Fayraska Corona oo saamayn ba’an ku haayo caalamka iyo waliba qaarada.

Gar-gaarkaan oo maanta kasoo dagay Garoonka diyaaradaha ee Itoobiya ayaa gaaraayay 1.1million oo ah qalabka lagu baaro cabuqa COVID-19, 6 million oo ah qalabka maaskarada iyo 60,000 oo ah dharka Isku joogyada ee loo isticmaalo difaaca Coronavirus.

Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Dr Abiy Ahmed oo ka hadlay garkaan kaan lasoo gaarsiiyay qaaradda Africa ayaa sheegay in uu aad ugu mahadnacaayo mulkiilaha Shirkadda Alibaba Group Jack Ma waxaa uuna intaasi raaciyay in qaybinta qalabkaani ka hortaga cudurka COVID-19 ay bilaaban doonta maalinimada Baritoole.

“Waad ku mahadsantahay Jack Ma adiga iyo Shirkadda Alibaba Group soo diridda gar-gaarkii ugu joreeyay ee Qalabka ka hortaga COVID-19. taageerada ayaa waxaa kamid ah 1.1million oo ah qalabka lagu baaro cabuqa COVID-19, 6 million oo ah qalabka maaskarada iyo 60,000 oo ah dharka Isku joogyada ee loo isticmaalo difaaca Coronavirus ee loo qaybin doona Africa oo idil. Qaybinta qalabkaan ee dalalka kale waxaa ay bilaaban doontaa Baritoole” ayuu ku yiri Dr Abiy Ahmed qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa twetter-ka.ImageImageImage

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close