Wararka

Wadooyinka Muqdisho Oo Kusoo badanaya Rogmashada Gawaarida Xamuulka +(Sababta).

Waxaa inta badan dhacaa in Gawaarida kuwa xamuulka ay ku dhex rogmaan waddooyinka muhiimka u ah isku socodka gawaarida iyo shacabka gudaha caasimadabiyo Goboladaba waxaana markasto ka dhashaa qasaaro isugu jira naf iyo maal.

Waxaa maanta waddada 21-ka October ee magaalada Mugdisho ee caasimada dalka ku rogmay gaari xamuul ah oo Ku Rarnaa Sigaar, Gaariga Rogmada ayaa noociisu ahaa Candha-meydle.

Gaarigaan ayaa rogmay kadib markii uu darawalka gaariga saarnaa uu isku dayay in uu baaso gaari kala oo xamuul ahaa kaas oo ku jiray seedkiisa balse waxaa taas ka dhalatay in gaariga uu rogmado.
Gaarigaan ayaa ku guddoomay seed aankiisa aheyn waxaa uuna jaray isku socodkii gawaarida kale ee isticmaalayay seedkaas.

In uu gaariga guddooma ayaa waxaa sabab u ahgaariga oo loo soo raray si tankiisa ka baxsan iyo darawalkii waday gaariga oo isna isgudayay in uu gaariga seedkiisa ka bixiyo si uu u dhaafo ama U baaso gaari kale oo xamuul ahaa.

 

 

 

 

 

 

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close