Wararka

Madaxweyne Waare oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Baladweyne.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Heershabeelle Dr. Mohamed Abdi Waare ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Baladweyne ee caasimada Gobolka Hiiran waxaana madaxweynaha magaalada  kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiran Cali Mohamud Caraale iyo masuuliyiin kale.

Ujeedka uu madaxweynaha dowlad Goboleedka Heershabeelle uu ku tagay magaalada Baladweyne ayaa ah sidii uu halaasi ugu furi lahaa mashaaric horumarineed oo laga daahfuri doona gobolka Hiiran iyo kulama uu la qaadan doona odayaasha dhaqanka iyo bulshada qayba heeda kala duwan.

Madaxweyne Mohamed Abdi Waare ayaa sheegay in inta uu kusugan yahay magaalada Baladweyne uu kulanka la qaadan doona odayaasha dhaqanka si uu u dar-dar galiyo hanaanka dib-u-heshiisiinta dadka walaalaha ah ee wada dego deeganada gobolka Hiiran kuwaas oo xurgufyo kala tabanaayo.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close