Wararka

Madaxweyne Lafta-gareen oo Muqdisho soo gaaray.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Mohamed (Lafta-Gareen)  iyo wafdi uu Hoggaaminayey ayaa maanta soo gaaray Magaaladda Muqdisho ee caasimada dalka waxaana Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyey Xubno ka Tirsan Labada Gole Dawladda Federaalka Soomaliya.

Ujeedka Imaanshaha Wafdigaan ee Muqdisho ayaa ah ka qeyb galka Shirka Madasha Wada-tashiga Soomaaliya,kaasi oo lagu Casuumay 40 Dowladood oo ka Qeyb gali Doona Shirka oo Maalmo ka socon doono Muqdisho.

Shirka ayaa Maalmaha uu Socdo Waxaa looga hadli Doono Qodobo ay kamid yihiin Amniga, Dhaqaalaha, Siyaasada, Dib u dhiska Dalka, Kordhinta Taageerada Caalamka ee Soomaaliya iyo Qodobo kale.

Dhanka kale Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen iyo Agaasimaha Guud Madaxtooyada Koonfur Galbeed Ibraahim Abdiqaadir Mohamed Baffo ayaa kulan kula Qaatay Hoolka Nasiinada Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde Safiirka Dawladda Qatar u fadhiya Soomaaliya, Kulankaas ayaana looga hadlay arrimo dhowr ah oo Quseeya Xaaladda Soomaaliya.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close