Wararka

Madaxweynaha dalka oo ubax dhigay Taallada Daljirka Daahsoon.

Madxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maamuusaya halgankii gobonnimo doonka Soomaaliyeed iyo geesiyaashii naftooda u huray xornimada, qarannimada iyo midnimada dalkeenna ayaa ubax dhigay Taallada Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho.

Boqollaal shacab ah oo ay ka muuqato farxadda Xuska 60-Guurada Xornimada iyo Midnimada ayaa Madaxweynaha kula dabbaal degay Taallada Daljirka Daahsoon oo astaan u ah maamuuska iyo qiimeynta Halyeey kasta oo Soomaaliyeed oo naftiisa iyo nolashiisaba u hura difaaca iyo hormarinta dalka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, iyada oo Ciidamada Baambayda ay ku maamuusayeen heesta Calanka iyo Astaanta dalkeenna.

Munaasabadda Ubax-dhigga Taallada Daljirka Daahsoon waxaa ka qaybgalay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed Filish iyo Ku-xigeennadiisa, Wasiirro ka tirsa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Guddiyada Heer Federaal iyo Heer Gobol ee Xuska 60-guurada Xornimada iyo Midnimada.Image may contain: one or more people, crowd and outdoorImage may contain: 1 person, standing and outdoorImage may contain: one or more people, people standing, child and outdoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close