Wararka

Qaramada Midoobay oo beenisay in Qarax lala beegsaday kolonya ay leedahay.

Muqdisho: 12 January 2022: Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa beeniyay war lagu baahiyay warbahinta dowlada oo sheegay in qaraxa lala eegtay Kolonyo gaadiid ah oo ay leedahay Shirkadda gaar loo leeyahay kana shaqeysa howlaha amniga ee hay’adaha Qaramada Midoobay.

Qoraal lagu daabacay bogga Twitter-ka ee Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu yiri “Si ka duwan wararka qaar ee horay u soo baxay, ma jiraan shaqaale Qaramada Midoobay ka tirsan ama qandaraaslayaal ah oo ku jiray kolonyada la beegsaday.”

Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sidoo kale cambaareysay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee goor sii horreysay oo maanta ah ka dhacay waddada 21-ka October ee magaalada Muqdisho, waxaana ay tacsi u dirtay ehelada dadkii ku dhintay weerarkaas, iyadoo u rajeysay kuwa ku dhaawacmay caafimaad degdeg ah.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close