Wararka

Qaar kamid ah Beeralayda gobolka Gedo oo cabasha ka muujiyay saamaynta wabiga Jubba.

Maamulka deegaanka Geed-wayne ee ka tirsan gobolka Gedo ayaa kormeer ku sameyey qaar ka mid beeraha deegaankaasi oo sameyn xoog leh ay ku yeesheen fatahaada uu sameyey wabiga Jubba ee mara deegaano ka tirsan gobolkaasi Gedo.

Fatahaada uu sameyey wabiga Jubba ayaa keentay in ay baaba’aan dhaman dalagyadii saarnaa beeraha deeganka Geed-wayne isalmarkaana waxa uu qasaro lixaad leh u gaystay beeralayda deeganka

Qaar ka mid ah beeralayda oo warbaahinta la hadlay ayaa ka waramay sameynta ka dhalay fatahada uu sameyey wabiga Jubba.

Guddoomiyaha deeganka Gedwayne Yuusuf Dirir oo hogaaminaayey kormeerka masuuliyiinta ayaa ku baaqey in gur mad deg deg ah lala soo gaaro beeralayda ku hanti beeshay fatahaada wabiga Jubba waxana uu codsi u diray dowlada dhaxe ee Soomaaliya iyo hay’adaha samamfalka.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close