Wararka

Masuuliyiinta ka tirsan dowlada oo ka qayb gashay Aaska Amb. Ciise Cali Ciise Dheere).

Allaha u naxariistee waxaa saaka Muqdisho ku geeriyooday Amb. Ciise Cali Maxamed oo ku magac dheeraa (Ciise Dheere), kaas  oo ahaa diblumaasi ka tirsanaa wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Soomaaliya.

Marxuumka oo maalmihii dambe ku xanuunsanaa magalada Muqdisho  ayaa saaka geeriyooday, waxaana aaskiisa ka qayb galay Raisul Waraare ku-xigeenka XFS, Wasiirka Arrimaha dibadda, Wasiirka Aminiga, Raisul Wasaarihii hore Soomaaliya, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho,  xildhibaano ka tirsan labada gole, ugaasyo, wax garad iyo Madax kale.

Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee BFS oo ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Ambassador Ciise Cali Maxamed (Ciise Dheere) ayaa ku sifeeyay marxuumka in uu ahaa waddani u soo shaqeeyay dalka muddadii uu noolaa isagoo Ebba ugu baryay in uu Janadiisa ka waraabiyo.

Sidoo kale waxaa geeridiisa ka tacsiyeeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka ah  Soomaaliya iyo kuwa horey xilal uga soo qabtay dalka, iyaga oo Alle uga baryey inuu ka waraabiyo Jannatul  Firdowso.

AUN  Amb. Ciise Dheere ayaa ahaa diblumaas  ku dhawaad 50 sanno ku dhexejiray  diblamaasiyadda sigaar ah arrimaha carabta, isaga oo dowladdii dhexe noqday safiirkii Soomaaliya u fadhiyey dalka Ciraaq.Image may contain: 2 people, people standing and fireImage may contain: 1 person, standing, wedding, child, outdoor and natureImage may contain: 2 people, selfie and close-upImage may contain: 6 people, people standing, wedding and outdoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close