Wararka

6 bil Ka dib QM ayaa war kasoo saartay xiriirka Soomaaliya iyo QM.

Qaramada Midoobay ayaa markii ugu horreysay 6 bil ka dib  ka hadashay xiriirka kala dhexeeya Dowladda Federaalka Somalia, kaddib cayrintii ergaygoodii hore Nicholas Haysom, taasoo sababtay inuu khilaaf soo dhex-galo dowladda Somaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Sarkaal tirsan QM ayaa sheegay inuu soo hagaagayo xiriirka siyaasadeed iyo kan dhaqaale ee u dhaxeeya QM iyo Dowladda Somalia, kaddib xiriir aan sii buurnayn oo u dhexeeyay Somalia iyo Qaramada Midoobay muddo lix bilood ah.

Kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaablsan afrika, Bintou Keita oo dhawaan booqatay Somalia ayaa sheegtay in xilligan uu xiriirka u dhexeeya labada dhinac soo hagaagayo ayna is arkeen intii ay Somalia ku sugnayd madaxda Dowladda Federaalka.

Sidoo kale, Keita ayaa sheegtay in wadahadalladii ay la yeelatay madaxda Somalia diiradda lagu saaray hanaanka siyaasadda iyo ka dhaqaale ee dalka iyo weliba xiriirka Somalia iyo Qaramada Midoobay u dhexeeya.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close