Wararka

Duqa Muqdisho oo la wareegay Mashruuc lagu taagerayo dadka dan yarta ah ku nool caasimadda.

Wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada ee xukumada federaalka Soomaaliya Xildhiban Sadiiq Warfaa iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta Muqdisho ku kala saxiixday mashruuc lagu caawinayo dadka dan yarta ah ee ku nool caasimadda.

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Sadiiq Warfaa oo duqa Muqdisho ku soo dhaweeyay xafiiskiisa ayaa sheegay in Mashruucan la soo marsiiyay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, uu maanta ku wareejiyay maamulka gobalka Banaadir si loogu taakuleeyo dadka aadka u nugul ee ku nool gobalka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho,  Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo ka mahadceliyay soo dhaweenta wasiirka ayaa sheegay in mashruucan wasaaradda ku wareejisay ay ku wareejin doonaan dadkii loogu talagalay.Image may contain: 1 personImage may contain: 1 person, standingImage may contain: 2 people, people sitting and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close