Wararka

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo soo xiray tababar loo qabtay dhallinyarada ka howlgasha degmooyinka gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng:Yariisoow) ayaa soo xiray tababar loo qabtay dhallinyarada ka howlgasha degmooyinka gobolka Banaadir ee kamid ah xoogaga wadaniyiinta Soomaaliyeed kuwaas oo labaray tababar ku saabsan hoogaaminta wanaagsan iyo doorka ay dhallinyarada ku lee yihiin nabadgalyada iyo horumarinta bulshada.

Kulankani oo ka dhacay aqalka dowlada hoose ee Xamar ayaa waxaa goob joog ka ahaa hogaanka sare ee gudiga wacyigalinta ee abaabulka qaran, Guddoomiye ku-xigeenka arimaha bulshada gobolka Banaadir iyo guddoomiyaasha degmooyinka.

Ugu horeyn waxaa madasha ka hadlay qaar kamid ah dhallinyarada tababarka loo xiray iyagoo ka warbixiyay waxyaabihii ay ka faa’ideen.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng:Yariisoow) ayaa kula dardaarmay dhallinyarada in ay u midoowaan ka shaqeeynta nabada iyo horumarka Caasimadda.

Taliska booliiska soomaaliyeed ayaa ka warbixiyay howl galo ay kasameyeen magaaladda muqdisho iyadoo maal mahan ay wadeen hol gal joog ah kaasi oo lagu xaqiijinayo amniga magaaladda .

Taliye ku xigeenka ciidanka booliiska soomaaliya sareeya guuto zakiya xuseen axmed oo shir jaarid ku qabatay gudaha xarunta ayay kaga hadashay howl galada ciidanka ay wadaan laguna xaqiijinayo amniga sido kale waxa ay intaasi ku dartay in 23 askari lagu soo qabtay howl galka kuwaasi oo lagu soo edeyay musuq maasuq .

Taliye zakiya ayaa soo hadal qaaday gaariga caasiga ahaa ee waday hilib kaasi oo ay ciidanka amniga xanibeen  waxa ay ku sababesay in uu bixiyay laaluush sidoo kalane lagu qabtay goob kale oo jagboonti ah markaasna ciidanka ay ku wargaliyeen in labaarayo uuna diiday sidaasi lagu xanibay .Image may contain: 3 peopleImage may contain: 1 person, close-upImage may contain: 1 personImage may contain: one or more people and indoorImage may contain: 1 person, smiling, sitting and close-upImage may contain: 5 people, people sitting, phone and glassesImage may contain: 6 people, people smiling, people sitting, table and indoorImage may contain: 3 people, people sitting, table, wedding and indoorImage may contain: 3 people, beard and glassesImage may contain: one or more people

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close