Wararka

Imaaradka oo shan ruux oo looga shaki qabo in ay ku lug lahayeen weerarkii Sri Lankan-ga dib ugu celiyay dalkaas.

Shan ruux oo ku xirnaa magaalada Dubai ee Isu taga imaaradka Carabta kuwaas ookasoo  jeeda dalka Sri Lankan-ga oo lala xiriirinaayo in ay ku luglahayeen qaraxyadii ka dhacay  dalkasi ayaa maanta ciidamada Booliska Imaaradka dib ugu celiyeen Sri Lankan-ga.

Dadkaan laga shakisan yahay ee maanta dib loo celiyay  waxaa kujira Mohamed Milhan oo guddoomiya u ahaa urur lagu magacaabo  the National Thowheeth Jama’ath (NTJ).

Ururkaan ayaa lagu eedeeyay in ay ka danbeeyeen weeraradii 21-kii bishii April sanadkaan lagu qaaday seddex hotel iyo seddex kaniisad halkaas oo ay ku naf waayeen 259 ruux halka tira boqolaal dhaafeysana ay ku dhaawacmeyn.

Dadka laga soo qabanaayo dalka meel kabaxsan ayaa noqonayso midi labaad oo  dowlada Sri Lankan-ga gacanta loogu soo galinaayo dad looga shaki qabo in ay ku lugleeyihiin weeraradii ka dhacay dalkaas.

Sargaal u hadlay ciidamada dalka Sri Lankan-ga oo layirahdo Mahesh Senanayake ayaa sheegay in bishii tagtay la soo xiray laba ruux oo  ayagana looga shakisan yahay weerarkaas waxaana soo dhiibay dowladaha Qatar iyo Sacuudiga.

Saraakiisa dalka Sri Lankan ayaa shegay in weerarkii dalkaas ka dhacay loo soo xir-xiray dad kabadan 100-ruux.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close