Wararka

Ciidamada ilaalada xeebaha dalka Libya oo badbaadiyay ku dhawaad 290 muhaajiriin ah.

Muhaajiriinta u socdaasha dalalka reer Yurub ee mara xeebaha dalka Libya ayaan wali xal loo helin oo markasta waxaa dhacdaa in ay dooma yar oo ay raacaan ay kula quusta miya badda Mediterranean.

Ciidamada ilaalada xeebaha dalka Libya ayaa badbaadiyay 290 muhaajiriin oo la socday laba dooni iyagoo rabay in ay sidaas Libya ku galaan kadibna ugu sii gudbaan. howlgallo is-xig-xigay oo ay fuluyeen ciidamada dalka Libya ayaa lagu soo badbaadiyay muhajiriintaas howl-galkaas oo ka dhacay  xeebaha dalkaasi gaar ahaan agagaarka caasimadda Tripoli.

Afhayeen u hadlay ciidamada ilaalada nadda ee Libya oo lagu magacaabo Ayoub Qassem ayaa sheegay in mid ka mid ah howlgaladaasi ay ku badbadiyeen 87-ruux,halka dooni yar oo labaad ay  sidoo kale ay ka soo badbaadiyeen 203 ruux.

Sarkaalkaasi ayaa sheegay in labada dooni mid ka mid ah ay ku qabteen xeebaha magaalada Qarabuli oo 50 km bari kaga began Tripoli,halka tan labaad laga helay Zlitin oo 160 km Bari kaga beegan caasimadda.

Dadkaasi la badbaadiyay waxaa ka mid ahaa 7-haween ah iyo caruur,kuwaas oo ka kala socday dalal dhowr ah oo Carab ah iyo dalalka saxaraha ka hooseeya.

 

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close