Wararka

masuuliyiin ka socota xafiiska Madaxtooyada Qaranka oo kulan la qaadatay wasiirka arrimaha dibadda.

masuuliyiin ka tirsan xafiiska madaxtooyada Qaranka ayaa maanta Magaalada Moqdisho kulan kula qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Cabdulqaadir Axmedkheyr Cali iyo dhammaan Agaasimeyaasha Wasaaradda.

kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay qorsheyaasha booqasho ee Madaxda dalka iyo marti qaadyada caalamiga, dadaallada martigelinta shirarka caalamiga ah iyo sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa hannaanka habmaamuska ee dowladda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa la wadaagay masuuliyiinta ka socotay Madaxtooyada ballamaha iyo booqashooyinka Madaxweynaha ee muddada soo socota, qorsheyaasha xoojinta xiriirka caalamiga ah iyo sidii kor loogu qaadi lahaa wadashaqeynta shaqaalaha Madaxtooyada iyo kuwa Wasaaradda ee ay shaqo wadaagga yihiin.

saraakiishaan ka socotay xafiiska madaxtooyada Qaranka waxaa kamid ahaa Agaasime Kuxigeenka Madaxtooyada Cabdullaahi Sheekh Cabdikariim, Agaasimaha Habmaamuuska Madaxtooyada Cabdi Cumar Cali, Agaasime Kuxigeenka Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Cabdirishiid Maxamed Xaashi.

    

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close