Wararka

Madaxweynaha Farmaajo oo magacaabayy guddoomiyaha G/banaadir, ahna duqa muqdisho.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho u magacaabay Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).

Madaxweynaha ayaa faray Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka in uu sii dhammeystiro qorshayaashii horumarineed iyo waxqabadkii muuqday ee Guddoomiyihii hore, Alle ha u naxariistee, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng.Yarisow).

“Anigoo xeerinaya baahida loo qabo in guddoomiye uu yeesho Maamulka Gobolka Banaadir, si loo sii amba qaado qorsheyaashii horumarineed ee socday, sidoo kalena tixgelinaya soo jeedinta kala duwan iyo waayo-aragnimada uu Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) uu u leeyahay gudashada waajibadka xilkan ayaan ugu magacaabay.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u rajeeyay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho in uu Eebe u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isagoona kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo iyo wadaniyad leh ugu adeego bulshada.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close