Wararka

Waa Kuma Allah u naxariistee Senator Maxamed Yuusuf Xaaji?

Isbitaalka Aga Khan, ee magaalada Nairobi waxaa ku geeriyooday Allah u naxariistee Senator-ka Gaarisa Maxamed Yuusuf Xaaji xili xaaladiisa caafimaad lagu dabiibayey, sida ay xaqiijiyeen ilo ka tirsan qoyskiisa.

Sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan qoyska, Senator-ka ayaa loo duuliyey dalka Turkiga bishii Diseembar ee sanadka 2020, waxaana lagu soo celiyey dalka kenya habeenimadii Sabtida waxaana la dhigay isbitaalka Aga Khan.

Bishii Sebtembar ee sanadkii hore, xildhibaanka ayaa qalliin shan saacadood qaatay looga sameeyay isla isbitaalka ka dib markii uu siibtay oo miskaha ka jabay xilli uu ku sugnaa gurigiisa oo ku yaal Gaarisa.

Allah u Naxariistee Senator Maxamed Yuusuf Xaaji wuxuu ahaa aabaha Agaasimaha waaxda dacwad oogista (DPP) Noordin Yusuf Haji.

Wuxuu ku soo biiray maamulkii gobalada Kenya sanadkii 1960 asagoo ahaa sarkaal degmo (DO) wuxuuna ka soo baxay darajooyinka si uu u noqdo mid ka mid ah gudoomiyaasha gobolada ee ugu awooda badan wadanka Kenya.

Wuxuu ka fariistay maamulka gobolka 1997.Intii u dhaxeysay 1998-dii ilaa 2001-dii, Xaaji wuxuu ka soo shaqeeyay Kaaliyaha Wasiirka ee Xafiiska Madaxweynaha.

Sannadkii 2002, waxaa loo magacaabay baarlamaanka ka dib sanadkii 2007-dii, waxaa loo doortay inuu xubin ka noqdo baarlamaanka deegaanka Ijara isagoo tikidhka ka helay Xisbiga Midowga Afrika ee Kenya (Kanu).

Wuxuu soo noqday wasiirkii gaashaandhigga intii u dhaxeysay 2008 ilaa 2013 xilligii dowladdii dhexe ee Isbaheysigii Madaxweynihii hore Mwai Kibaki iyo Raiisul Wasaarihii hore Raila Odinga.
Waxaa uu kamid ahaa Shaqsiyaadka fara kutiriska ah ee ka soo hoos shaqeeyay Madaxweynihii howlgabka ahaa sida Mwai Kibaki iyo Madaxweynaha hada xilka haya Uhuru Kenyatta oo aan mar kale u tartami doonin xilka madaxtinimo ee Kenya.

Allah u Naxariistee Senator Maxamed Yuusuf Xaaji Markii uu dhimanayay, wuxuu shaqeynayay muddadiisii ​​labaad ee senetarka Gaarisa.

Salaadiisa Janazah ayaa loo asteeyay Isniinta saacadu markay tahay 4-ta galabnimo Masjidka South C kadibna intaas ka dib aaskiisa waxaa lagu aasi doonaa qabuuraha Muslimiinta Lang’ata.
Allah u Naxariistee Senator Maxamed Yuusuf Xaaji waxaa Geeridiisa ka tacsiyeeyay dhamaan madaxda dalka sida Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ku tilmaamay Marxuumka Shaqsi wanaagga Horseed u ahaa.

“Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan qoyska iyo ehelada Alle ha unaxariistee Senator Maxamed Yuusuf Xaaji oo xilal kala duwan oo muhiim ah kusoo matalay Soomalida Kenya. Waxaan Alle uga baryayaa in uu Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, eheladii iyo qaraabadii uu ka tagayna samir iyo iimaan ka siiiyo. Aamiin” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close