Wararka

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan oo qadka Taleefonka kala hadlay madaxweynaha Ruushka.

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta qadka taleefonka kala hadlay dhiggiisa dalka Ruushka Vladimir Putin waxaa ayna kawada hadleen weerar ay ciidamada Siiriya kusoo qaadeen magaalada Morek oo waqooyi bari Siiriya ku taallo.

Magaaladaan ayaa waxaa aas-aasay dowlada Turkiga waxaa ayna ku dhistay heshiis ay la gashay dowlada Ruushka iyadoo xiligaas oolajeedada ay ka laheyd ay aheyd in ay ku yareeyso isku dhaca ciidamada dowlada Bashar al-Assad iyo kooxaha la dagaalamo dowladiisa.

Inkastoo dowladaha Turkiga iyo Ruushka ay xulufa dhaw yihiin ayaa haddana waxaa ay ku kala aragti duwan yihiin arrimaha Siiriya. Ruushka iyo Iran ayaa gacan siiyo dowlada uu hoggaamiyo madaxweyne Bashar al-Assad halka Turkiga uu gacan siiyo dhanka kasoo horjeeda dowlada Siiriya.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close