Ciyaaraha

Maxaa laga bartay xasuuqii Barcelona kala kulantay Liverpool.

Kooxda Liverpool ayaa xasuuq weyn kula kacday kooxda Barcelona kulan ka dhacay Anfied kulan ka tirsanaa lugta 2-aad ee semi-finalka tartanka Champions league.

Goolal ay dhaliyeen xidigaha Divock Origin oo 2-gool dhaliyay iyo Georginio Wijnaldum oo 2-gool dhaliyay ayaa Liverpool kaga  filnaatay ineey gaaraan finalka tartanka UEFA CHAMPIONS LEAGUE.

Hadaba waxaan halkan ku soo bandhigi doonaa xogtii laga diiwaan galiyay kulankii ay Liverpool xasuuqday kooxda Barcelona.

1-Divock Origin ayaa dhaliyay goolkiisi ugu horeeyay ee champions league isaga oo noqday xidigii 50-aad ee Liverpool gool u dhaliya tartanka champions league marka lagu daro goolasha la iska dhaliyo.

2-labada gool ee uu Georginio Wijnaldum ka dhaliyay champions league ayuu dhaliyay wareega semi-finalka tartanka champions league.

3-Georginio Wijnaldum ayaa noqday xidigii ugu horeeyay ee badal ku soo gala waliba 2-gool ka dhaliya tartanka champions league tan ilaa Ryan Babel oo sidaas sameeyay 2017 kulan uu ka dhaliyay Besiktas , Georginio Wijnaldum ayaa sidoo kale Noqday xidigii ugu horeeyay ee kaydka ah ee 2gool ka dhaliya Barcelona.

4-Trent Alexander-Arnold ayaa sameeyay caawinta ugu badan ee tartanka champions league  ee kooxda Liverpool xili ciyaareedkan.

5-kooxda Liverpool ayaa gaartay finalkeedii 9-aad ee tartanka champions league kaliya waxaa ka saramaray kooxaha Real Madrid oo 16 jeer ah, Milan oo 11 jeer ah iyo Bayern oo 10 jeer ah.

6-Liverpool ayaa noqotay kooxdii labaad ee England ah ee gaartay laba final oo xiriir ah champions league kadib naadiga Man United oo sidaas sameeysay 2008/2009.

7-kooxda Liverpool ayaa noqotay kooxdii 5-aad ee Barcelona guuldaro kala kulanta lugta hore laakiin wareega xiga u gudubta tartanka champions league.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close