Wararka

Ra’iisal wasaare Khayre oo kormeer kiisi ugu horeeyay ku tagay xarunta Aqalka Hoose ee Xamar tan iyo Geeridii Eng. Yariisow.

Ra’iisul wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeerkiisi ugu horeeyay  ku tagay Xarunta Dowladda Hoose ee Xamar tan iyo Geeridii ku timid Alla u naxariistee Eng yariiso, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banadir ahna duqa caasimada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).

Xiliga uu ra’iisal wasaaraha kormeerka ku tagaayay Xarunta Dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxaa ka socotay xarunta, kulan looga hadlayay Horumarinta Caasimadda waxaana ka warbixiyay kulankaas guddoomiyaha Cusub ee gobolka Banadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banadir ahna duqa caasimada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa sheegay in ay maanta tahay maalintiisi koowaad ee uu xafiiska yimaado ayna tahay markii koowaad ee ay kulmaan ra’iisal wasaaraha dalka uuna si aad ah ugu farxay kormeerka uu ra’sal wasaraha ugu yimid.

Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale sheegay in ra’iisal wasaraha uu la dhacay barnaamijkiisa si yaasadeed isagoo wada shaqeyn dhankasta ah ka rajeeyay Golaha xukuumada oo uu hor kacaayo ra’iisal wasaare xasan Cali Khayre.

  KA DAAWO  LINKIGA HOOSE:

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close