Wararka

Mareykanka iyo Al-shabaab oo guulo ka sheegtay duqeyn ka dhacday deegaan ka tirsan gobolka sh/hoose.

War ka soo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee qaaradda ,Afrika ee loo soo gaabiyo AFRICOM  ayaa faah-faahin looga bixiyey duqeymo ay diyaaradaha Mareykanka ka gesteen deegaanka Daaru salaam oo ka tirsan degmada Awdheegle gobolka Shabeellaha hoose.

Mareykanku waxa uu sheegay in 8-dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab ay ku dileen duqeyntaas isla markaasna aysan jirin dad shacab ah oo ay waxyeelo ka soo gaartay.

Dhinaca kale dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa soo bandhigay hub,saanad military iyo lacago ay sheegeen in ay kala wareegeen diyaaradihii soo qaaday duqeynta.

Al-shabaab waxa ay sido kale sheegeen in 7-askari oo isugu jira sarkaal mareykan ah iyo saraakiil ciidamada dowlada faderaalka ay ku dileen inta ay socotay duqeynta.

Ma jirto ilo ka madax bananan oo xaqiijinaya qasaaraha sida dhabta ah u jira marka laga reebo labada dhinac.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close