Wararka

Wasiirk Cawid oo u jawaabay Maamulka Somaliland

Wasiirka arrimaha dibada xukuumada federaalka ah ee Soomaliya Axmed Ciise Cawad oo gor dhoweyd shir jarai’id ku qabtay magalada Muqdoisho ee caasimada dalka ayaa waxa uu ka hadlay arimo badan oo la xariira arrimaha dibada ee dowlada Soomaliya oo ay ka mid tahay in dowda Soomaliya ay soo dhoweynayso heshiiska ay gaareen Maletiraga Suudaan iyo mucaardka dalkaasi waxana uu shegay in Suudaan haatan ay joogto meeshii dowladanimadeeda ay ka hana qaadi lahayd.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in kulamo uu la qaatey diblomaasiyiin caalami ah ay kawada hadleen xariirka ay dowlada Federaalka u jartay  Jamhuuriyada Gani iyo safarada uu raysulwasaare Xasan Cali Khayre uu ku jooga deegaano ka tirsan mamulka Galmudug.

Axmed Ciise Cawad  oo ka hadlayey xariirka dowlada Soomaliya ay ujareen dalkaasi Gani ayaa sheegay in Gani ay gashay qalad-wayn qaladkeedana uu waxyeelo ugaysan karo midaynta umada Soomaliyeed iyo qaabkii la isku soo dhoweyn lahaa.

Wasiirka ayaa sidoo kale jawaab ka bixiyey hadal dhowan ka soo yeeray madax maamulka Soomaliland oo ahayd in dowlada Soomaaliya ay caqabad ku tahay hormarka Somaliland isagoona sheegay in taasi aysan ahayn mid sax ah oo ay Somaliland caqabad ku ahayn islamarkaan horumarkasto umad Soomaliyeed ay gaarto ay aad ujecelyihiin balse ay ka goantahay dadka u olalaynaya in Soomaaliya ay kala go’do ay ka hortagayaan.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close