Wararka

Madaxweyne Biixi oo kulan la qaatay Safiirka Denmark u qaabilsan Soomaaliya.

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa ku qaabiley Safiirka Denmark u qaabilsan Soomaaliya Amb. Mette Knudsen oo ay wehelinayso ku xigeenkeedu Nina Berg.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga wada hadlay  xoojinta xidhiidhka labada dhinac, iskaashiga mashaariicda horumarinta ee ay Somaliland ka hesho sanduuqa horumarinta Somaliland ee (SDF), oo ay dawladda Denmark qayb ka tahay, sidii loo dardar gelinlahaa korna loogu qaadi lahaa sannadkan cusub ee 2020-ga, sidoo kale waxa laga wada hadlay arrimaha doorashooyinka Somaliland.

Ugu danbayntiina waxa kulankaa lagu soo qaaday nabadgelyada mandaqada geeska Afrika sidii loo adkayn lahaa loogana wada soconlahaa.

Madaxweyne Muuse Biixi waxaa Kulanka ku wehelinaayey Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirrada wasaaraddaha Arrimaha Gudaha, Maxamed Kaahin Axmed iyo Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Siciid Sulub Maxamed.Image may contain: 1 personImage may contain: 2 people, people sittingImage may contain: 1 person, sitting

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close