Ciyaaraha

Sarri oo rajo galiyay Ac-milan IYO Roma.

Tababaraha kooxda Chelsea ee Sari ayaa rajo giliyay kooxaha AC-Milan iyo Roma waxa uuna mar kale ku caliyay in uusan hubin in Chelsea uu hogaaminayo xili ciyaareedka soo socdo.

Sarri ayaa Chelsea u yimid xagaagii 2018-da xiligaas oo Napoli ka soo wareegay waxa uuna xili ciyaareedkaan kooxda geeyay finalka Europa league halka booska sedexaadna ay kaga dhameysteen horyaalka.

Isaga oo ka hadlayay mustaqbalkiisa ayuu yiri’ Chelsea miyaan sii joogayaa? Waxaan filayaa in aan hubin arintaas, kooxda waxa ay ii sheegeen in aan kooxda champion-ka geeyo taasina waan sameeyay’

‘kubadda cagta Egland waan jeclahay ‘ayuu sii raaciyay macalinkaan la tilmaamayo in uu ka huleelayo kooxda Chelsea.

Horyaalka ingiriiska waa midka dunida ugu sareeya waxaana jeclahay in aan horyaalkaan sii joogo ‘ ayuu yiri tababare sari.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close